DAAWO:-Booliska Somalia Oo Ka Hadlay Kiiska Xildhibaan Muno Key

1679

Xildhibaan Muno Sheekh Khaliif Abuu ( Muno Key) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Barteeda Facebook ku faafisay muuqaal ay iska-soo duubtay oo ay ku sheegeysay in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu culeys Siyaasadeed saaray,isla markaana lagu xayiran Garoonka Aadan-Cadde xilli ay dooneysay inay aado Magalada Baydhabo kadib markii ay diiday inay codkeedda ku biiriso ansixintii wax ka bedela ka Xeerkii Bagiga Dhexe.

Hadalkaas Xildhibaan Muna Key kadib Booliska Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay,Afhayeenka Ciidanka booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo shir Jaraa’id ku qabtay Magalada Muqdisho ayaa faah fahain ka bixiyay warka kasoo yeeray Xildhibaan Muna Key.

Afhayeen Qaasiim ayaa sheegay in Xildhibaan Muna Key Gabar ay walaalo yihiin iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacbaka oo lagu Magacaabo Luul Cabdi Aadan uu dagaal dhex maray,isla markaana Xildhibaan Luul ay ciidanka booliska ku soo dacweysay sidaasna lagu soo xiray Xildhibaan Muna Key Walaasheed.