Kheyre oo si degdeg ah u magacaabay Wasiirka Warfaafinta

1550

Wareegto goordhaw kasoo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa xilka Wasiirka Warfaafinta loogu magacaabay Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo horey u ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale Wareegtada uu soo saaray ku magacaabay Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ugu magacaabay Eng C/llaahi Cali Xasan oo ku heyb ah Wasiirkii Warfaafinta Dahair Geelle oo maanta is casilay.

Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa ka mid ahaa Musharaxiintii isu soo taagtay Doorashada xilka Madaxweynaha 2017, inkastoo uu markii dambe ka tanaasulay.

Magacaabistan deg dega ah ayaa kusoo aadeysa xili uu maanta Warbaahinta ka shaaciyay Daahir Maxamuud Gelle in uu iska casilay xilka Wasiirka Warfaafinta, kadib is fahmi waa soo kala dhax galay isaga iyo Madaxda sare ee dowlada.