Wasiirkii hore ee warfaafinta oo sheegay sababtuu isucasilay +COD

1624

Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa faah faahin ka bixiyay sidii lama filaanka aheyd ee uu isaga casilay xilkiisa, isagoo caddeeyay in go’aankiisa is casilaada aanu aheyn arrin hadda soo bilowday, balse uu in muddo ah ka fikirayay.

Daahir Geelle oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa waxaa uu ku sheegay in muddo 11 bilood uu hayay xilkan, isla markaana uu aragti ka qabay markii xilkan loo magacaabayay oo ku aadanaa arrimaha gudaha iyo arrimaha dibadda waxa uu is leeyahay inuu ku kordhiyo, isagoo xusay inuu isku casilay arrimo la xiriiray kala aragti duwanaan muddo soo jiitamayay oo u dhaxeysay isaga iyo Madaxda Dowladda.

“Muddo 11 bilood ayaa xilka hayay, waxaa jecleystay in aan xilka baneeyo oo aan u sheego dadka Soomaaliyeed, sababaha gaarka i ah waxay tahay kala aragti duwanaan muddo soo jiitameysay oo ku aadanaa arrimaha gudaha, arrimaha dibadda, iyo maamul goboleedyada”ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Waxaa uu Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay 11-kii bilood ee ay fursada u siiyeen xilkan, isagoo xusay inuu saaxibo la yahay oo uu rajeynayo in xiriirkooda aanu baabi’in, balse wixii kala aragti duwanaan waxyaabaha qaar ay tahay mid gaar ah.

“Go’aanka aan isku casilay ma aheyn mid hada soo boodey ah, arrin shalay iyo bishan igu dhashay ma aheyn, muddo baan qaada dhigayay, meel badan ayaa ka eegay, maanta ayaa go’aansaday in aan Xafiiska baneeyo”ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka mid ahaa Wasiirada ugu saameynta badnaa ee ku jiray Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre, isagoo la sheego inuu aad uga doodi jiray Golaha Wasiiradda, marka looga hadlayo arrimo kala duwan.

Dhowr jeer oo hore ayuu kaga aragti duwanaaday dood u dhaxeysay Golaha Wasiirada, waxaana uu ahaa Wasiirka kaliya ee aan aragtidiisa kala gamban Golaha Wasiirada, mararka qaar si adag ayuu uga fal celin jiray Doodaha.

Waxaa uu kaga duwanaa Wasiirada kale ee Xukuumadda inuu ahaa nin si dabacsan uga hadla arrimaha siyaasiyiinta mucaaradka iyo sida ay la tahay in loola dhaqmo.