DAAWO Boqor Buur-madow “ Habar Jeclo way ku khasaartay Xukuumadda Biixi”

2099

Boqor Cismaan Maxamuud Buur-madow oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa, ayaa sheegay inaysan Beeshiisu Aqbali doonin, in la kala diro Gudiga Doorashooyinka , Wuxuuna si gaar ah Farta ugu Fiiqay C.rashiid Riyo-raac.

“Cawaaqib Xumada Riyyo Raac waxay Somaliland ku Noqon doontaa, Wiilkii Yaraa ee Tunuusiya iyo Dalal badan wax ka badalay, Markaa Arintaasi Somaliland way ku Burburi doontaa “. Ayuu yidhi Boqor Buur-madow.

Boqor Cismaan Buurmadow oo la waydiiyey Sida Shaqsi Somaliland loogu Burburin karo, ayaa sheegay inuu Cabdirashiid Riyo raac uu Gudiga Doorashooyinka Hogaamiyo, Balse aanu shaqsi ahayn.

Dhinaca kale waxaa wax laga waydiiyey Siyaasiyiinta Beesha uu kasoo jeedo ee doonaya inay Qabtaan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,

“Dhaqanka Habarjecelo waa dhaqan adag, Habar Jeclo geed ayay isla tagtaa, Hadii ay noqoto wax Reerka u yaalla, go’aan ayaa laga soo saaraa, Balse hada Arinta Loolanka loo gelinayo Maxamuud Xaashi iyo Maxamed Kaahin waa isku mid, Midna gaar uma taageerayo, Balse midkoodna Gacanta waxba kuma hayo” Ayuu yidhi Boqor Buur-madow.

Boqor Buur-madow Wuxuu sidoo kale sheegay inay Beeshiisu ku Khasaartay Taageeradii ay siisay Xukuumadda Muuse Biixi.