Daawo: Boqor Buur-madow oo kahadlay Shirka Habar-jeclo iyo Habaryoonis

1925

Boqor Cismaan Maxamuud Buur-madow ayaa ka hadlay Shir ay Xukuumadda Somaliland Sas xoogan ka Qaaday, Kaasi oo la sheegay inay yeelan doonaan Beelaha Habarjeclo iyo Habaryoonis, Wuxuuna sheegay inaanu ahayn Shirkaasi mid uu isagu Iclaamiyey, Balse uu yahay mid ka yimid labada dhinac.

Wuxuu sheegay inuu Muuse Biixi Bilaabay Shirarka Beelaha , oo Laba shir oo kala duwan uu Beelo gaar ah la yeeshay isaguba, Isaguna uu xusay inaysan Jirin Sabab loo kala ilaaliyo Beelaha Habarjeclo iyo Habaryoonis, Iyagoo ka wada hadlaya Arimo u gaar ah oo ay ku Jirto Dantooda iyo Horumarkoodu.

“Laba beelood oo danahooda ka wada shiraya oo isku deegaan ah, Waad ogtahay in Burco ay Biriishyadii Dumeen, Waa ayaan darro in Xukuumaddu ay Sas ka Qaado, Waad ogtahay in Beeshii Warsangeli ay Faraha ka baxday, Ma dhici karto markaa in Dawladdu ay dhul sii dayso Dhulna ay Xukunto”. Ayuu yidhi Buurmadow.

Boqor Buur-madow ayaa si kulul ugu Jawaabay Wasiir ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo lagu magacaabo Cabdikariin Xinif, Wuxuuna sheegay inuu ahaa Markii hore nin diinta ku fiican, Balse uu Reerkiisii iyo Diintii uu yaqaanay ka barakacay oo hargeisa tagay, Isagoo sheegay inay Reer Burco siwacan u yaqaaniin.

Xukuumadda Somaliland ayuu ku dhaliilay inaysan diyaar u ahayn Wax laga Qabto dadka dilka ka gaystay Gobolka sanaag, Wuxuuna sheegay in dadkii Ehelka iyo Talada u ahaa ee soo Qaban lahaa la wada xidhay, Xukuumadduna aysan daacad ka ahayn, Wuxuuna xusay in dadkii isaga lasoo hadla la xidhayo.