DAAWO Burco Mayd ladiiday in la geliyo Tallaagada oo qarxay

2158

Cusbitaalka magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxa ka dhacday arrin argagax ku riday dadkii Bukaan jiifka ahaa iyo dadkii shacabka ahaabba, kadib markii uu Qarxay Mayd loo diiday in la geliyo Tallaagada lagu xarreeyo Maydka.

Ruuxan maydka ah ayaa la sheegay innuu dhawr caanno maal yaallay, iyaddoo loo diidday in lagu xarreeyo tallaagadda Maydka lagu qaboojiyo, taasoo keentay inuu Maydkaasi qarxo, dabaddeedna urtiisu saamayso Bukaan jiifka Cusbitaalka joogay.

Shaqaalaha qaabilsan qolka Maydka ayaan gelin tallaagadda, iyaddoo ay ehellada Maydkaasi ay ku dooddayaan inay bixiyeen Lacagtii tallaagadda, balse aan la gelin.

Warku waxa uu intaas ku daray in Shaqaaluhu ay Maydka ku ilaaween tallaagadda dhinaceedda, halkaasoo loogu yimid, kadib markii uu qarxay Maydkaasi oo dhawr cisho meesha yaallay.

Dhacdadan ayaa cirka isku shareertay, kadib markii Qoyskii iyo qaraabaddii Maydkaasi ay ka xumaaddeen arrinta dhacday, waxaanna jira ismaan-dhaaf adag oo u dhaxeeya maamulka Cusbitaalka Burco iyo Ehellada maydkaas.

Si kastaba ha ahaatee, waxa laga war sugayaa talaabadda ay qaaddaan Maamulka gobolka Togdheer iyo Taliska Ciiddanka Booliska oo markii ay ka war helleen dhacdadan Ciiddan dheerraada u soo diray Cusbitaalka.