DAAWO C/laahi Sheikh Xasan oo Karbaashay ilma adeeradiis

1655

Cabdullaahi Sheekh Xasan oo kamid ah Hogaanka Xisbiyado Siyaasiyeed ee dalka Jira oo maanta Muqdisho kulan ay ku yeesheen Qaar kamid Xisbiyaddu Wuxuu uga hadlay Arimo kala duwan iyo Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Ugu horayn Wuxuu sheegay inay Xukuumadda Soomaaliya ku taageerayaan Wixii Wanaagsan ee ay Qabato, oo ay ugu horayso Bixinta Xuquuqda Ciidamada oo Kordhisay, Wuxuuna xusay inaysan Ciidanku Siyaasad shaqo ku lahayn, Isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay Qaar kamid Xisbiyadda Madasha Samaystay oo dhowaan Farageliyey Arimaha ciidamada.

Dhinaca kale Wuxuu sheegay in Gef tahay iyo Wax aan lagu heshiin Magaca “Madasha Xisbiyo Qaran” ee Sheikh Shariif Hogaamiyo, Wuxuuna xusay inay Madashaasi Ku Jiraan 6 Xisbi oo keli ah, Halka ay dalka ka diiwaan gashan yihiin in ka badan 50 Xisbi Siyaasadeed.

Cabdullaahi Sheikh Xasan Wuxuu Nasiib darro ku tilmaamay Hadal dhowaan kasoo yeedhay C.qaadir Cosoble oo ah Musharax Madaxwayne iyo Xildhibaan, Kaasi oosheegay in dadka Reer muqdisho ay dagaal geli doonaan oo mar kale Sidii Wakhtigii Xabashida ay tagi doonaan Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Waa wax laga Xumaado inuu Nin Xildhibaan ah oo doonaya Madaxwayne uu Sidaas u hadlo, wax la Aqbali karo maaha, Waana inuu Cudur daar ka bixiyo, Waxaa laga yaabaa inuu Baasaboor haysto Caruurtiina u maqan tahay, Soomaalidu dagaal ma rabto”. Ayuu yidhi Cabdullaahi Sheikh Xasan.

Wuxuu sidoo kale uga hadlay Khudbadiisa Arimaha Doorashada 2021 ee la filayo inay dalka ka dhacdo Hadii Alle idmo, Wuxuuna xusay inay sidoo kale Xukuumadda ku dhaliilayaan Wixii khalad ah ee gaysato.