DAAWO: C.raxmaan Xoosh Jibriil oo Aas-Qaran loogu sameeyay Muqdisho

1657

Waxaa Goor-dhowayd Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho laga soo Dejiyey Medyka alle ha u naxariistee WasiirkiI Dastuurka Soomaaliya C.raxmaan Xoosh Jibriil.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Raysal wasaare ku xigeenka, Culimada Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kala duwan ayaa ku Tukaday Marxuumka.

Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Wasiirka lagu xasuusto wanaag badan, Sidoo kalana uu Culimada kala tashan jiray Diinta iyo arimaha Dastuurka.