DAAWO:- Cabashadii Ganacsatada oo qaar kamid ah laxaliyay

45

Shir muhiim ah, oo lagu xalinayay Culaysyadii ay ka cawdeen Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa maanta wajigiisii 1-aad waxaa lagu qabtay Xarunta Dekadda Magaalada Muqdisho, shirkaas oo ay ka soo qabgaleen Taliye-yaasha, Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Maamulka Dekadda Muqdisho.

Qodobada ugu muhiimsan ee maanta xalka laga gaaray waxaa kamid ah kuwii ugu muhiimsanaa,

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo shirka kadib warbixin kooban la wadaagay Saxaafadda ayaa sheegay culeysyadii dhaqaale ee cabashadu katimid in meesha laga saaray, sidoo kalena waxa uu sheegay in maata laga bilaabo aysan dhicidoonin cabashooyin ka yimaada Jabinta Konteenarku marka uu soo gaaro dakadda magaalada Muqdisho.

Qodobka Labaad,

– .

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay wadatashi dheer kadib in la xaliyay dhammaan cabashooyinkii ay ka qabeen Ganacsatada arrimaha ID, balse qaabka loo xaliyay iyo sida uu noqon doono waxaa dib ka soo sheegidoona Maamulka Dekadda Magaalada Mudqdisho.

Qodobka Sadexaad

.

Waxaa gabi ahaanba la baabi’iyay dhammaan lacagihii lagu qaadijiray baraha hubinta ee looga boxo Magaalada Muqdisho, sida waddooyinka u kala baxa Balcad, iyo Afgooye, kulankii maanta ayaa la isku raacay in mardambe aysan dhicin cabasho nuucaas oo kale ah.

Dhanka kale waxaa laga wada hadlay arrimo ubadan , taas oo iyana lagu balamay in laxaliyo dhammaantood, iyada oo ay jiridoonaan kulamo kale oo loo balamay.