Kulankii wadajirka ahaa oo ay maanta yeesheen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana ay goobjooga ka ahaayeen 186 Xildhibaan iyo Senator, ayaa waxaa loogu qeybiyey Sharciga doorashooyinka.
Sharcigaan ayaa waxaa dhawaan soo geba-gabeeyey diyaarintiisa Guddiga KMG ah ee sharciga doorashooyinka,guddigaas oo ka koobnaa 15 Xubnood oo laga soo xulay xildhibaannada Golaha Shacabka.
Dhanka kale Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista dastuurka ee labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo kulankaan ka hadlay ayaa sheegay inay jiraan caqabado hor taagan dib u eegista Dastuurka.
Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in Khilaafka ka dhaxeeyo Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada uu caqabad ku noqday shaqadii dib u eegista Dastuurka.
Cabdi Qeybdiid ayaa ku sheegay qodobada soo socdo inay caqabad ku noqdeen dib u eegista Dastuurka oo aan weli sidii loogu talagalay aan looga doodin:
Khilaafka Dowladda iyo Maamul Goboleedyada
la tashiga bulshada Soomaaliyeed oo uusan wada gaarin wadatashiga dastuurka
Arimaha Maaliyada ee ku shaqeeyo Guddiga oo aan la helin.
Mudo xileedka baarlamaanka 10aad oo mudo xileedkiisa siidhamaanayo iyo shaqooyinka horyaaha oo badan
Ugu dambeyntii Cabdi Qeybdiid ayaa xusay inay jiraan caqabado uu ka gudbay guddiga uu madaxda u yahay, wuxuuna tusaale ahaan usoo qaatay xalkii laga gaaray khilaafka u dhaxeeyey labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.