Daawo:-”Cabdi Rashiid Janan Xabsiga dhexe kama baxsan”

1770

Taliska Ciidanka Asluubta Somaaliyeed ayaa beeniyey in Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) uu ka baxsadey Xabsiga dhexe ee Muqdisho,xilli Baraha bulshada warkaasi lagu baahinayey.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa shalay shaacisey in Wasiirkii Amniga Jubbaland uu Xabsiga ka baxsadey,hayeeshee aysan sheegin halka sida rasmiga ah uu ugu xirnaa.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Cabdi Qani Khalaf oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada muqdisho ayaa sheegay in marnaba Xabsiga Dhexe uusan ka baxsan Wasiirkii Amniga Jubaland,isla markaana aan waligeed lagu xirin.