DAAWO Cabdirashiid Janan oo cudud ciidan kusoobandhigay Beledxaawo

17

Taliyaha NISA ee Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan ayaa maanta qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta xaalada gobolka Gedo, isaga oo soo bandhigay ciidamo boqolalaal ah oo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda ee ka howlgala halkaasi.

Janan ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwa qaran, ayna ka shaqeyn doonaan xasilinta gobolka iyo sidii ay ugu adeegi lahaayeen dadkooda, gaar ahaan reer Beledxaawo.

Taliyaha ayaa dardaaran culus u jeediyay ciidamada, wuxuuna faray inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara isku dhac, gaar ahaan inay ku milmaan qabaa’ilka deegaanka.

“Ciidankan waa ciidan Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka waxaa la rabaa qof kasta oo idinka kamid ah inuu wato magaca Soomaaliya oo uu qabiilka meel iska dhigo, waxa uu ka shaqeynayo waa qaranimo” ayuu yiri taliye Janan.

Sidoo kale wuxuu la hadlay shacabka gobolka oo uu ugu baaqay inay kaalintooda ay qaataan, ayna la shaqeeyaan ciidamada diyaarka ah u ah inay u adeegaan.

“Waxaan is leeyahay shacabka ku nool Beledxaawo waa shacab wanaagsan waa shacab dowladnimada jecel marka waa inaan u adeegnaa dadkeenna” ayuu sii raaciyay.

Xaaladda gobolka Gedo ayaa haatan ah mid deggan, waxaaana inta badan degmooyinka gobolka gacanta ku haya ciidamada dowladdda, iyada oo kuwa Jubbaland ay weli ku sugan yihiin meelaha qaar, halka kuwa kalena ay u firxadeen dhinaca dalka dariska ah ee Kenya.

Dowladda Federaalka oo si weyn ugu kacsan Axmed Madoobe ayaa qorshe culus ka damacsan Gedo, waxaana qorshuhu yahay inay uga dhawaaqdo Jubbaland cusub, sida uu horay u shaaciyay Cabdirashiid Janan oo hadda hoggaaminayo howlgalka gobolkaasi.

“Waxaan rabnaa inaan ka shaqeyneyno inaad gogol isugu imaataan oo aad dhisataan maamul aad adinka leedihiin, kuna kalsoon tihiin” ayuu horay u yiri Cabdirashiid Janan.

Arrintan waxa ay kusoo aadeysaa, iyada oo dagaalkii ugu dambeeyay oo ka dhacay Beledxaawo looga adkaaday ciidamada Jubbaland oo gebi ahaanba laga saaray degmadaasi.