DAAWO Cabdirashiid Janan oo xaqiijiyay qabashada Balad-xaawo

29

Wararka ka imaanaya magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya, in saldhiga magaalada xaruunta hay’adda socdaalka iyo xaruunta degmadaba ay shalay qabsadeen, ciidamo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan, oo ah sargaal ka tirsan dowlada federaalka ee Soomaaliya.

Muddo ko dhow toban maalmood, waxaa halkaa ku dagaallamayay ciidamo taabacsan mamaulka Jubaland iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Cabdirashiid Janan oo BBC-da la hadlay ayaa xaqiijiyay in magaalada ay iyagu hadda joogaan isla markaana Ishgaarsiinta oo go’need mudadii dagaalku socday ay hadda dib u soo laabatay.

“Dhamaan xarumihii dowladda, kastankii ku yaalay xuduudda aan la leenahay xududda labada dal ee Kenya iyo Itoobiya, saldhigga booliska iyo xarunta degmada, waxaa gacanta ku haya ciidanka dowladda”, ayuu yiri Janan.
Dhanka kale, waxaan isku daynay in mas’uuliyiinta Jubaland aan wax ka waydiino arrintaan, hase-yeeshee ilaa dhowr mas’uul oo aan la xiriirnay nooma suurta galin in ana helno marka ugu horeysa ee aan helnana waan soo gudbin doonaa.

Waxaa uu sidoo kale farriin u diray dadka shacabka ah oo ka barakacay guryahooda dagaalka awgii, wuxuuna yiri:

“Shacabka waxaan ugu baaqayaa inay is dejiyaan oo guryahoodii dib ugu soo laabtaan”.

Xaaladda magaalada Beled Xaawo ayuu sheegay inay haatann degentahay, isla markaana dib loo soo celiyay korontadii maqneyd iyo isgaarsiinta.