DAAWO:-Cabdiweli Gaas oo weerar afka ah kuqaday Deni iyo Xasan Sheekh

654

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Madaxweynihii hore ee Puntland, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas”, ayaa dhaliilay talaabada uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ugu tartamay Madaxweynaha DFS.

Cabdiweli Gaas oo wareysi siinayay Horn Cable TV, ayaa xusay in bishii Febaraayo ee sannadkan uu u sheegay Siciid Deni inuu raadinayo hoggaanka DFS, balse uu kula taliyay in uu dhameysto 5 sano ee loo doortay hoggaaminta Puntland.

“Hadduu waayay Madaxweyne, lama rabin inuu raadiyo Ra’iisul Wasaare, waxay hoos u dhigin hankii Puntland. Puntland 212 kun oo KM weeye, Ra’iisul Wasaare lagu ceyrinayo 7 daqiiqo iyo 5 daqiiqo wax uu u raadsado ma garanayo.”