DAAWO:-Cali Fahle oo dib ugu soo laabtay Hodan

8

Guddoomiyaha maamulka degmada Hodan, Cali Fahle ayaa mar kale dib ugu soo laabtay xafiiskiisa, kadib maalmo uu shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Madaale.

Cali Fahle ayaa isla markii uu kusoo laabtay shaqada sameeyay kormeer amni oo deg-deg ah, wuxuuna xalay isaga oo ay wehlinayeen ku xigeenka dhanka amniga iyo taliyeyaasha Booliska iyo NISA ee Hodan ay kormeereen xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.

Sidoo kale waxa ay socod dheer ku mareen waddooyinka muhiimka ah, iyaga oo gudaha u galay goobaha ganacsiga oo ay ku jiraan xarumihii dhowaan lagu dhex dilay ganacsatadii ku sugneyd aagga Soona-key.

Intaas kadib waxaa warbaahinta la hadlay guddoomiye Cali Fahle oo faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay kormeerka ay sameeyeen iyo ujeedka ay ka lahaayeen.

“Runtii sharaf ayay noo ahayd inaan soo kormeerno qaybaha kala duwan ee degmada, waxayna ahayd shirar soo socday oo xagga amniga ahaa ayuu kasoo baxay go’aankan ah u kuur-gelidda xaaladaha degmada Hodan” ayuu yiri guddoomiye Cali Fahle.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay ciidamada ammaanka ee ku sugan baraha koontarool ee degmada Hodan, wuxuuna ku amaaanay shaqada ay ka qabteen amniga degmada.

“Waxaan rabaa amaan kaliya ma’ahanee inaan u duceeyo ciidamada ammaanka iyo maamulka degmada Hodan oo isku duuban oo shaqo wanaagsan qabtay” ayuu sii raaciyay.

Guddoomiyaha degmada Hodan ayaa sidoo kale digniin kasoo saaray baabuurta yaryar ee looga tago waddooyinka, wuxuuna tilmaamay inay halis ku yihiin amniga shacabka.

“Baabuurta la dhigaayo laamiyada waxay musiibo ku yihiin degmada Hodan iyo amniga guud ee magaalada Muqdisho” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha degmada Hodan.