DAAWO:- Cali Guudlaawe oo ka digay dhibaato ay geystaan Ciidanka Liyuu Boolis

448

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa walaac ka muujiyay in dhibaato kasoo gaarto shacabka kunool deegaannada ku dhow xadka gobalka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya, dagaalka u dhexeeya Ciidanka gaarka ah ee Dowlad deegaanka Soomaalida “Liyuu Booliska” iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in argagixisadu ay hadda bilowday inay u gudubto dalka Itoobiya, taasna ay dhibaato hor leh ay tahay.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay inuu wado xariiro uu la sameynayo madaxda DDS, si looga baaqsado dhibaato soo gaarta shacabka.