DAAWO Cali Jayte oo u hanjabay Siciid Deni

1709

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, oo maalmo ka hor sheegay in raashinka yaala Puntland aan loo iib gayn karin meel kale.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mr Jeyte ayaa sheegay hadalka madaxweyne Deni in uu dhaawacayo xiriirka ganacsi ee Puntland iyo gobolka Hiiraan, ayna mowqif cad ka qaadanayaan haddii aan laga laaban.

“Waxaa halkan (Hiiraan), laga qaadaa Khudaartii, xoolihii iyo subigii, waxaana la geeyaa oo lagaga nool yahay Bosaso iyo Garowe. Haddii aan aanan laga noqon go’aankaas oo aan caqli Soomaalinimo lala imaan, dekedaha kale ee dalka ayaan u wareegaynaa, wax kasta oo Puntland naga aadayana canshuur labo jibaar ah ayaan saaraynaa,” ayuu yidhi G/Jeyte.

Guddoomiye Jeyte wuxuu sheegay in umadda Soomaaliyeed aysan kala maarmin. Waxaa kaloo uu tilmaamay in adduunka aysan jirin meel ganacsigii laga xiray ama cunto la’aani ka dhacday. Balse kaliya dhibaatada taagan ay tahay cudurkaan soo kordhay.

Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah gobolada Soomaaliyeed ee wax soosaarkiisa ugu badan loo iibgeeyo gobolada Puntland, halka gobolkaas uu isna ku xiran yahay badeecaddaha kasoo dega dekeda magaalada Bosaso.