U qeybsanaha Xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee arrimaha ciidanka Difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawisleyda Soomaaliya Cali Jeyte Cismaan ayaa goob fagaare ah kula hadlay boqolaal ciidan ah oo isugu jira xoogga dalka iyo kuwa difaaca deegaanka ee Macawiisleyda.
Cali Jeyte Cismaan guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan ayaa faray ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka iney u diyaar garoobaan duulaan ka dhan ah Al-shabaabka ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.
Jeyte ayaa sidoo kale u sheegay ciidamada in howlgalada haatan bilaabanaya ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu afjari lahaa xubnaha maleeshiyaadka Al-shabaab, wuxuuna ugu baaqay dadka ku nool goobaha Al-shabaab joogaan iney isaga soo guuraan.
“Meesha aan Al-shabaan xabadda ugu ridno cid kasta oo joogta waa Shabaab, maanta fursad ayaa jirta waana dareemayaa duruufta jirta ee aan ka faa’iideysano, Dagaal qabiil baa la galaa oo cadaabta lagu galayo, mid janno lagu galayo ayaa jiree ee maan galno, hala is cafiyo oo niyad aan dagaalka ku galno” ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.
Hadalkaan kasoo yeeray u qeybsanaha Xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee arrimaha ciidanka Difaaca dadweynaha ayaa kusoo aadaya, iyadoo gobolka Hiiraan uu ka socda dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee lagu doonayo iney bilaawdaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab oo ay abaabulkeeda wadaan Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda, kan Dhulka iyo Saraakiil kale oo isugu jirta kuwa xoogga dalka iyo ciidanka deegaanka.