Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha ciidamada deegaanka Cali Jeyte ayaa qabtay shir jaraa’id oo dagaalka Al-Shabaab uu uga hadlay, sidoo soo bandhigay guulo ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen dagaal socday 48-kii saac ee lasoo dhaafay.
Cali Jeyte ayaa sheegay in dhulkii ugu muhiimaanaa ee Jiinka Wabiga Shabeelle ay ka xoreeyeen kooxda, dagaalyahano badana ay uga laayeen.
Sidoo kale wuxuu sheegay in ajaanib Shabaab ah ay ku dileen dagaalka, isagoo hoosta ka xariiqay in dalkaan aysan nabadi ka dhacayn iyadoo aan Shabaab laga xoreyn.
“Ajaanib ayaa ku dhimatay dagaalka, welina kuwaa ku jira buurahaas, waan la yaabnay, anigaan oo deegaanka u dhashay kuma noolaa karo halkaan, kuwo kale oo deegaankaan aan u dhalan ayaan ku dilnay dagaalka, inta hartana waa laga sifeynayaa,” ayuu yiri Cali Jeyte.
Cali Jeyte ayaa qiray in dagaalka ay soo galeen ciidamada Jabuuti ee Hiil Walaal, kuwaas oo hubka culus ku garaacay Khawaarijta oo gashay dhul buuraley ah.
“Dadka shacabka ah waxaan leeyahay musiibo hadii ay timaado waa la iska kaashadaa ee halkaan musiibaa taallee nagu garab siiya, inta Soomaaliya Shabaab joogo ma degi doonto,” ayuu yiri Cali Jeyte.
Hoggaamiye Ciidamada Deegaanka wacad ku maray in Shabaab ay dhadhemi doonaan xanuunka ay u geysteen dad badan oo aan waxaba ka galabsan, “waan u aarayaa dadkii ui Shabaab-ku naga dilay waa balan,” ayuu yiri.