DAAWO:- Cali Mahdi: “Mudulood waa qaran cid inkiri kartaana majirto”

3146

Madaxweynihii hore ee Somalia Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay in beesha uu ka soo jeedo ee Mudulood aysan aheyn qabiil ee ay noqotay qowmiyad weyn, isagoo dhinaca kale dhaliilay hab dhaqanka DF.

Cali Mahdi oo ka hadlay shirweyne maanta beesha Mudulood uga furmay magaalada Muqdisho oo looga hadlayo aayaha beesha ayaa sheegay in beesha Mudulood ay xuquuq ku leedahay dalka, dadka iyo dowlada ayna garab u tahay qaranimada Somalia, balse aysan aqbaleyn in xuquuqda beesha lagu xad gudbo.

“Walaahi wax aysan rabin beesha Mudulood ineysan jirin cid Somalia ka sameyn karta,” ayuu yiri Cali Mahdi oo intaas ku daray in beesha Mudulood ay tahay qaran, aysana jirin cid inkri karta.

“Markaan leeyahay Mudulood waa qaran kama wado keligiis ayaa qaran ah, waxaa uu qaran ku yahay Soomaali oo wada jirta, Soomaali oo mid ah ayuu qaran ku yahay, Soomaali oo wax wada qeybsaneysa ayuu qaran ku yahay, laakiin markey gaarto in geedda hoos loo dhigo oo hoos loo dhigo..ma yeeleyno” ayuu yiri Cali Mahdi oo Somalia madaxweyne KMG ah ka noqday 1991-1992 markii ay burburtay dowladii milateriga.

Cali Mahdi oo aad ugu fogaaday amaanta beesha uu ka soo jeedo ee Mudulood ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay qorshe DF ay waday oo lagu horjoogsan rabay shirweynaha Beesha Mudulood.

“Waxaan maqlaayey oo dhegahayga ku soo dhacaayey war la leeyahay Mudulood ma shiri karo, waxaan leeyahay Mudulood waa shirayaa, si sharci ah ayuu ku shirayaa, xaq ayuu u leeyahay shiro, sida Soomaali oo dhan ay xaq ugu leedahay iney shirto ayuu isna xaq ugu leeyahay inuu shiro maalinta uu rabo, mana loo diidi karo cid u diidi kartana ma jirto” ayuu Cali Mahdi Maxamed.

Shirkan ay iskugu timid beesha Mudulood ayaa waxaa la sheegay iney gadaal ka riixayaan Madaxweynayaashii hore ee Somalia sida Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif oo mudooyinkan si weyn u mucaaradsanaa madaxda heysa tallada DF.