DAAWO:-Caruurtii iyo hawaynkii ay kageriyoodeen Rag Daacish ah oo Somaliya lakeenayo

1702

Xukuumada Soomaaliya ayaa markii u horeysay xaqiijisay iney dalka ku soo celineyso haween Soomaali ah oo u carruur dhalay dagaalyahannada Daacish ee looga adkaaday dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub danjire Cali Siciid Fiqi ayaa sheegay in haweenkan laga diiday dalalkii ay markii hore ka tageen, haatana ay dhibaato nololeed ku heysato dalka Ciraaq, iyadoo raggii qabay ay noqdeen wax la dilay iyo qaar meelo kale u baxsaday oo dhuumaaleysi ku jira.

Hadalkan ayuu safiirku ka sheegay xuska maalinta Qaxootiga adduunka oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

“Dowladda Soomaaliya waxay ka shaqeynaysaa iney dalka keento gabdho Soomaaliyeed oo carruur leh oo ku dhibaateysan dalka Ciraaq qaybta Kurdida, gabdhahaas oo markii hore maskaxdooda ay argagixisadu qaldeen ayaa waddamadii ay ka soo tageen laga diiday” ayuu yidhi Amb. Cali Siciid Fiqi.