Daawo:- CC Shakuur oo ka hadlay joojinta khudbadiisii Garoowe

1658

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo u waramay Radio Daljir ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan loolanka isaga iyo dowladda dhexe.

Waxa uu sheegay in khudbaddii uu ka jeedin lahaa caleemo-saarka madaxweynaha Puntland ay ahayd dood taagan laba maalmood, oo u dhaxeysa dowladda dhexe iyo Puntland, kadibna isaga uu go’aansaday inuu ka tanaasulo khudbaddiisa.

Waxa uu sheegay in ka sokow khudbaddiisa xitaa casuumaddiisa ay noqotay arrin ay dowladda dhexe dagaal xooggan uga gashay inay joojiso balse ay guul-darreysatay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhinaca kale sheegay in sababta mar walba ay dowladdu u beegsato, doorkii uu ku lahaa in la rido Farmaajo sannadkii 2011 markii uu ahaa Raysal Wasaaraha dalka, ciilqabkii Farmaajo ee ‘Kampala Accord’ iyo qodobo kale oo xaasaasi ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa beeniyey in uu wax xiriir hoose ah la leeyahay dowlado shisheeye, waxa uuna ku tilmaamay in ay yihiin eedaymo lagu bannaysanayo xadgudubkiisa iyo dhaawaca karaamadiisa.