Kooxda Chelsea ayaa Hadiyadii ugu qaalisanayd u dirtay Arsenal kadib markii ay ka qabatay Man City.
Chelsea oo bilaa tababare ah ayaa ku qasabtay Man City in ay hal dhibic kala baxdo garoonkeeda Etihad Staduim kulan ka tirsanaa todobaadkii 20-aad ee premier League.
Man City ayaa dhalisay goolka 1-aad daqiiqadii 42-aad ee qaybta hore iyada oo uu u dhaliyay xiddiga Tijjani Reijnders kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Iyada oo cid walba filayso in ay ciyaartu sidaas ku dhamaato ayay Chelsea ka yaabsatay cid alba kadib markii ay dhalisay goolka bar-baraha daqiiqadii 90+4-aad Waxana goolka u dhaliyay Blues xiddiga Enzo Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Kadib bar-baraha kooxda Man City ayaa ku jirta kaalinta 2-aad iyaga leh 42 dhibcood isla markaas 6 dhibcood ka dambeeya hogaamiyayaasha horyaalka ee Arsenal.
Dhinaca kale Chelsea ayaa ku jirta kaalinta 5-aad iyaga oo leh 31 dhibcood isla markaas farqiga goolasha kaga horeeya Man United oo ay isku dhibco yihiin.




















