DAAWO:-Chelsea Oo Kabaha La Dumartay Tottenham+SAWIRRO

1159

Chelsea iyo Tootenham ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal , waxa ayna ciyaarta aheyd mid isu dheeli tiran

Chelsea fursado badan ayay abuurayeen  balse Tottenham si caadada ah waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiksa ah

Tottenham daafac ahaan aad ayay wacanaayeen , waxaana guud ahaan qeybtaas hore ku tilmaami karnaa mid iska dhex dhexaad ah

Sidaas oo ay tahay Chelsea iyaga ayaa ku badnaa maamulka kubadda waxa ayan mararaka qara gaarayeen 73% laakiin Tottenham ayaa iska caabisay qabtii hore.

Tottenham ayaa dhalisay gool uu u dhaliyay xiddiga Harry Kane laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha khalad uu ku galay daafaca Thiago Silva.

Qaybtii dambe ayay chelsea ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo Tottenham ku qaaday weeraro aan kala joogsi lahayn iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal ay ciyaarta wax kaga badalaan.

Daqiiqadii 47-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Hakim Zeyich kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Hal daqiiqo kadib ayay chelsea dhalin gaadhay goolka 2-aad kadib markii uu xiddiga Hakim Zeyich kubad gantaal ah ku laagay goolka Tottenham laakiin Goolhaye Hugo Lloris ayaa si cajiib ah u badbaadiyay kubadaas.

Daqiiqadii 55-aad ayay chelsea sii dheeraysatay hogaanka horyaalka ciyaarta waxana markan madax qurux badan u dhaliyay xiddiga Thiago Silva kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Wixii intaas ka dambeeyay chelsea ayaa xaqiiqsatay in ay heshay 3-da dhibcood xiddigeheeda ayaan muujin dadaalkii ay muujinayeen markii hore.

Dhanka kale Tottenham ayaa ku dhibaatootay in ay wax fursado ah samayso maadama ay chelsea si fician u difaacanaysay goolkeeda si ay u ilaashato natiijada ay heshay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea kulankii 3-aad muddo bil gudeheed ah garaacday kooxda Tottenham iyo Tababareheedii hore ee Conte.