DAAWO:-Chelsea Oo kutumatay Arsenal +SAWIRRO

1322

Chelsea ayaa nasiinada  ugu dirtay Arsenal laba gool oo nadiif ah  ka dib ciyaar ay maamulka ku xooganeyd Chelsea

Labada koox waxa ay ku biloowdeen ciyaar deg degsiimo leh balse dhanka halis gilinta waxaa ku sareeysay Chelsea kuwaasi oo ay ka go`neyd gool waqti hore illaa ay ka keeneen waxaana goolashiisa daah furtay saxiixooda Lukaku oo uu kulankaan u ahaa kiisii koowaad iyadoo goolkaas uu dhashay daqiiqadii 15-aad

Arsenal waxa ay qeybtaas hore ka sheegteen in kubadda cagtooda ku daahdo iyo in afka hore u soo dadajiyaan kubadda halka Chelsea kulankaan ku soo galeen hab dar dar leh.

Chelsea  dhan waliba waa ay ka wacnaayeen xittaa marka kubadda cagtooda ka baxdo dhamaan ciyaartooyda daafac ayay u soo wada dagayeen , waxaan Arsenal gool labaad laga dhaliyay daqiiqadi 35-aad waxaana sidaas sameeyay James xilli goolashaas ay ka muuqdeen qladadaad dhanaka daafaca ah .

Goolka koowaad Saka ayaa u sabab ahaa maadaaama uu iloobay in uu ilaalo ka qabto James kaasi oo ka shaqeeyay goolii Chelsea halka Saka sidoo kale uu ka sheegtay qaladaad uu galayay.

Qeybta labaad  , ma jirin is badel xilli Arsenal ay weli dhibaatooneyeen waana ku adkeyd in si sax ah kubadda u gaarsiiyaan goosha Chelsea

Inkastoo Chelsea cadaadiskooda ka yaraa midkii hore hadana halistooda waa taagneyd mar waliba waxa uuna macalin Arteta daqiiqadii 61-aad soo giliyay  Aubameyang oo loo saaray Saka halka daqiiqaddii 66-aad uu sii raacsiiyay  Nuno Tavares oo loo saaray Kieran Tierney

Chelsea waxa ay badalkooda 1-aad daqiiqadii 71-aad ku soo giliyeen Kante oo loo saaray Kovacic , waxaana xusid mudan in qeybihii dambe Arsenal kubadda gaarsiiyeen aagga goosha Chelsea balse ma aheyn kuwo mira dhal ah .

Arsenal waa u nuglaayeen gool sedexaad waxa ayna birta u diiday gool Lukaku daqiiqadii 76-aad xilli ka dib la sii sagay shabaqa Arsenal wax aay =na ciyaarta ku dhamaatay labadaas.