DAAWO:-Ciidamada Galmudug oo kudhawaaday Xaradheere

1138

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay la wareegeen deegaano cusub oo ka tirsan gobolka Mudug.

Deegaanada ay la wareegeen ciidamada huwanta ah waxaa ka mid ah Miliqo, Dabagalo, Celcabdi iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Mudug.

Saraakiisha horkaceysa ciidamada huwanta ah ayaa sheegeen in haatan howlgalkooda uu ku wajahan yahay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Ciidamada is garabanaaya ee Galmudug iyo kuwa xoogga dalka ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay dagaalo xoogan kula jiray Al-sbabaabka ku sugan deegaanada uu ka arimiyo maamulka Galmudug, waxaana dagaaladaasi ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo sababay dagaalo toos ah iyo duqeymo dhanka cirka ah waxaana xusid mudan in barakac aad u baahsan ay sababeen dagaaladaasi.