DAAWO:- “Ciidamada Itoobiya waxay doonayaan inay qasab kusii joogaan Soomaaliya”

95

Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo ka jawaabay hadallo kasoo yeeray mas’uuliyiinta Addis Ababa.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in mas’uuliyiinta Itoobiya qaarkood ay isku dayayaan in ciidamadooda ay si qasab ah ku joogaan gudaha Soomaaliya, iyaga oo ku doodaya in uu dhiig badan kaga baxay muddada ay joogeen dalka, maadaama ay qayb ka yihiin ATMIS.

Axmed Macallin Fiqi ayaa ganafka ku dhuftay in aysan suuragelin karin arrintaasi, isaga oo xusay in ciidamada Itoobiya ay qudhooda gacan ka geysteen dilka in ka badan 20 kun oo Soomaali ah sanadihii u dhexeeyay 2007-2008, sidoo kalena ay burburiyeen hanti dadweyne, ayna sababeen barakaca 800 kun oo qof.

Waa jiraan Ciidamo Itoobiya iyo guud ahaan howlgalka ATMIS uga dhintay dagaalka lagula jiro Khawaarijta balse taas micnaheedu ma ahan aan baddaada iyo dhulkaaga qaato, intaas waxaa ka badan inta nooga dhintay si dalka looga xoreeyo gumeysiga” ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan arkaynaa in mas’uuliyiin Itoobiyaan ah ay isku dayayaan in ay ciidamadooda qasab ku sii joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo u dhaqmaya sidii ciidan aan ka tirsaneyn howlgalka ATMIS, taasina sax maaha, go’aanka dalalka kamid noqonaya howlgalka cusub ee Soomaaliya wuxuu u yaalla dowladda Federaalka”.

Waxaa kale oo uu wasiirka arrimaha dibadda intaasi kusii daray in aysan jirin wax gooya qiimaha wadajirka dhuleed iyo badeed ee Soomaaliya, hadii ay tahay maal ama dhiigba.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo ee haya talada dalka Itoobiya Aadan Faarax Ibraahim uu sheegay in Itoobiya ay dadaal badan gelisay amniga Soomaaliya, ayna askar uga dhinteen, isaga oo sidoo kale xusay in labada waddan ay wadaagaan xuduud dheer, isla markaana shacabka labada dhinac ee xiga dhanka xuduudda ay yihiin dad walaalo ah oo wadaaga dhaqan, diin iyo isir.

Si kastaba, arrimaha ayaa kusoo beegmaya iyada oo weli halkeeda ay tahay xiisadda diblumaasiyadeed ee u dhexeysa Addis Ababa iyo Muqdisho, taas oo ka dhalatay heshiiska badda ee uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.