DAAWO:-Ciidamadda Daraawiishta Galmudug Oo La Wareegay Degaan Muhiim Ah+SAWIRRO

1489

Wasaaradda amniga maamulka Galmudug ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in ciidanka Daraawiishta Galmudug ay la wareegeen deegaamo dhawr ah oo kuyaal Koonfurta gobolka Mudug.

 

Ciidamada Daraawiishta Galmudug, kuwa deegaanka iyo kuwa Qeybta 21aad ee ku sugan aagga Shabeelow ayaa dagaal kula wareegay fariisin cusub oo argagixisada Shabaab ay ku lahaayeen aagga Shabeelow ee Koofurta Mudug.

Ciidamada xaq u dirirka ah ayaa dagaal qorshaysan saakay ku qaaday fariisin argagixisadu ay ka soo abaabuli jireen qaraxyada iyo miinooyinka wadooyinka shacabku isticmaalo lagu dhibaatayn jirey ayadoo dagaalkaas kooxaha argagixisada lagu gaarsiiyey khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jira, halkaasna ay uga carareen xoolo nool iyo agab kale.

Guulaha ciidamada xaq u dirirka ah ay ka gaarayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Shabaab ayaa maalin maalinta ka danbaysa soo kordhaya, halka jabka gaaraya kooxda khawaarijta ah uu sii badanayo.