DAAWO:-“Ciidammada ka goostay Somaliland, haku laabtaan deegaankooda”

870

Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, ayaa hanjabaad u diray ciidammo dhowaan ka goostay maamulka Somaliland, kuwaas oo gaaray magaalada Buuhoodle ee xarunta gobalka Cayn.

Wasiir Qambi oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in aysan jirin jabhad la yiraahdo SSC, oo ku sugan Buuhoodle, isagoo ugu baaqay ciidammada Somaliland ka goostay inay aadaan deegaankooda.

Waxaa uu sidoo kale Cabdirashiid Qambi, in aysan aqbaleyn in Buuhoodle, laga dhigo meel fowdo ah, iyo xarun dagaal.