DAAWO:-Ciidanka booliiska Puntland oo qayliyay Ciidanka PSF

137

Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland Gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire ayaa cabasho weyn ka muujiyay ciidanka PSF, isagoo ku eedeeyay inay beegsi joogto ah ku hayaan ciidanka booliiska.

Taliyaha ciidanka Booliiska waxa uu sheegay in maanta barqaddii ciidanka PSF in ay weerar ku qaadeen saldhigga dhexe ee magaalada Boosaaso.

Weerarkaas ayuu tilmaamay inay ku dhaawacmeen labo askari oo Booliiska katirsan. Taliye Muumin wuxuu sheegay in ciidanka PSF ay xoog kula baxeen labo kamid ah askartooda oo lagu eedeeyay inay Boosaaso ka geysteen dhibaato amni xumo.

“Waxaan ummadda u sheegaynaa in aanu dhacdadaas ka xunnahay, inay tahay arrin dambi ah oo weyn oo soo noq noqotay. Waxaan madaxweynaha Puntland ka codsanaynaa inaan cabasho buuxda ka qabno arrintaas, oo aysan ciidanka booliisku ku shaqeyn karin xaaladda nuucaas ee Boosaaso ka jirta,” ayuu yiri Muumin.

Taliye Muumin Cabdi Shire waxa uu sheegay in ciidanka PSF ay beegsi joogto ah ku hayaan ciidamada booliiska Puntland, isagoo tilmaamay inay magaalada Boosaaso ugu geysteen weerarro geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay hub sharci darro ah kalasoo dageen xeebaha magaalada Boosaaso.

Ciidanka PSF ayaa ah ciidan aan hoos imaanin Puntland. Madaxweyne Deni ayaa mar isku dayay inuu xilka ka qaado taliyahooda, hase ahaatee diidmo ka dhalatay xilka ka qaadistaas ayaa sababtay in magaalada Boosaaso uu ka qarxay dagaal culus.

Ciidankan oo taageero ka hela Maraykanka ayaa waxaa maamula Gen. Maxamuud Cismaan Diyaano oo ay walaalo yihiin Gen. Asad Cismaan Diyaano.