
Culimada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa caawa ku dhawaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Israa’iil, iyaga oo maalinta berri ah iclaamiyay isku soo bax wayn.
Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in dibadbaxooda uu ka dhacayo fagaaraha Daljirka Daahsoon, wuxuuna sheegay in culimada oo dhan ay kasoo qaybgeli doonaan.
Sheekh Bashiir ayaa sheegay in ujeedka ugu wayn ee Israa’iil uu yahay kala goynta dalka Soomaaliya, loona baahan yahay in la’iska difaaco.
“Waxaa la socotaan xaaladda dalkeenna uu ku jiro, xaaladdaas oo ah weerar indho caddees ah oo ay nagu soo qaadeen Yahuuda oo doonaya inay dalka kala gooyaan, kuwaas oo ku dhaqaaqay tallaabo kasoo horjeedo qawaaniinta caalamiga ah” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.
Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in berri ay gudan doonaan waajib Diini ah, ayna u istaagi doonaan sidii oo difaaci lahaa midnimada dalka.
“Annaga oo diideyno go’aanka ay Yahuuda qaadatay oo ku saabsan cilaaqaadka been beenta ah oo ay la gashay qayb kamid ah Soomaaliya annaga oo diideyno culimo ahaan ayaa waxaan doonaneynaa inaan ugu baaqno culimada Soomaaliyeed berri insha allah oo Arbaco ah waxaan ugu baaqeynaa culimada Soomaaliyeed inay iskuugu yimaadaan isu soo bax lagu taageerayo midnimada dalka, laguna diidayo kala goynta dalka” ayuu intaas sii raaciyay.
Waxaa kale oo uu kusii daray “Waa shucuur waajib ah in la muujiyo oo dalka midnidamiisa la difaaco, lagana celiyo cadowga soo weeraray”.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii sidaan oo kale magaalada Muqdisho loogu qabtay banaanbax ay soo qaban qaabisay dowladda, kaas oo looga soo horjeestay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.
Si kastaba, Israa’iil oo 26-kii December ee sanadkii hore, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” ayaa weli sii wadda xagdubka ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxaana maanta ay wafdi uu hoggaaminayo wasiirkeeda arrimaha dibadda u dirtay Somaliland, tallaabadaas oo ay mar kale ka hortimid Soomaaliya.




















