DAAWO:-Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo kashifay sababta ay Puntland markasta ula dagaasho D/F

350

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka hadlay sababta soo celcelisa khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhexgala Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

Wareysi uu siiyay Universal TV, ayuu Cumar Cabdirashiid ku sheegay in is qabqabsiga Puntland iyo DFS uu salka ku hayo dastuurka dalka, kaas oo awood gooni ah siinaya Puntland.

Sharmaake ayaa xusay in Dastuurka KMG ah ee dalku uu dhigayo in inta laga heshiinayo, lagana dhameystirayo nidaamka Federaalka ah ay Puntland isku maamulayso si gaar ah.

Sidoo kale, Khilaafka ayuu sheegay inay keenayso in Puntland ay tahay Dawlad Gobaleedkii u horreeyay ee dalka, ayna dooneyso inay u hadasho dhamaan maamulada kale ee dalka, iyo inay dhowrayso nidaamka Federaalka Soomaaliya.

Mar kale ayuu sheegay Sharmaake in Puntland ay ku guuldareysatay inay tusaale wanaagsan u noqoto hor u socodka dawladnimada dalka, iyo in la hirgaliyo doorasho iyo qof ah, muddo 24 sano ah oo ay dhisneyd.