DAAWO:-Cumar Filish ” Ma aqbaleyno in amni darro la abuuro

1549

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud [Cumar Filish] ayaa ka digay in qalalaase amni darro lagu abuuro gobolka Banaadir gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa imanaya xili maalintii shalay ay caasimada ka dhaceen dibadbaxyo meela qaar leysku adeegsaday rasaas iyo hub culus, taasoo keentay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Cumar Filish ayaa sheegay ayaa sheegay in raggii shalay ka dhax dagaalamayay magaalada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay ahaayeen kuwo adeegaya danaha Kenya, waxaana uu ka digay in marka kale arrimahaa oo kale soo noqdaan.

”Waad arkeyseen in shalay kuwo Idhaha u xiran oo ka dhax dagaalamaya magaalada, waa kuwo u adeegaya danaha Kenya ay ka leedahay Soomaaliya” ayuu yiri Cumar Filish.

Dhinaca kale Qoraal xalay ka soo baxay midowga musharixiinta ayaa lagu sheegay in dowladdu rasaas u adeegsatay dad shacab oo aragtidooda cabirayay.