DAAWO:-DAAWO:-Xasan Sheekh oo shaaciyay xilliga uu billaabanayo wejiga labaad ee dagaalka

197

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa shaaciyay xilliga uu billaabanayo wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wejiga labaad ee dagaalka uu bilaaban doono marka uu soo idlaado gulufka uu xarunta uga dhigtay Dhuusamareeb, taasi oo macnaheedu yahay in howl-gallada uu hagayo ay dhameystir u yihiin wejigii koowaad ee dagaalka.

“Halkan waxaa u nimid in guud ahaan wejiga koowaad ee dagaalka aan soo geba-gebayno, labada degmo ee Galmudug Khawaarijta uga hartay in aan iyaguna dagaal ku qaadno, kadibna waxaa billaaban doono wejiga labaad,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in gulufkan ku wajahan Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaanada ku xeeran inuu yahay mid lagu dhameystirayo wejigii koowaad ee dagaalka. Hadalkaan wuxuu meesha ka saaraya in hadda la billaabayo wejiga labaad.

Wejiga labaad ee dagaalka ayuu sheegay in markaas laga bilaabi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, si looga sifeeyo kooxda Al-Shabaab, “Intii hore waa khibrad badanahay oo ka xoog badanahay hadda, yididiiladda aan qabno mustaqbalka aad iyo aad ayay u fiican tahay.”

Sidaas awgeed, gulufka loo fadhiyo Dhuusamareeb waa dhameystirka wejigii koowaad. Wuxuuna sheegay madaxweynaha in dhowr jiho laga weerari doono deegaanada ay kooxda ku harsan tahay.

“Shabaab waa niman dhib badan, argagixisada oo dhan meel kasta oo ay joogto haddii meel xoogga laga saaro siday uga meeraystaan oo meel kale u aadan ayay yaqaanan, haddii madax la dilay madaxdii hore kuwa kasii xagjirsan ayay soo saareen. Markaa waxaa go’aansanay in siyaasad Soomaaliyeed oo Shabaab lagula dirirayo la rabo.”

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Sababta ugu weyn ee dagaalka Al-Shabaab loo dhaqaajin waayay waxay aheyd siyaasad dowlad Soomaaliyeed ay leedahay oo lagula dagaalamayo Shabaab oo aad u qeexan oo cad ma aanay jirin.”