Daawo Dabageed: Doorasho ka dhici meyso Beledweyne ilaa uu guudlawe yimaado

1182

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa beeshiisa u sheegay in haddii Beledweyne loo diido Cali Guudlaawe aysan doorasho ka dhici doonin magaaladaas.

Waxa uu sheegay in reer Hiiraan oo dhan ay daneynayaan in doorashada xildhibaanada federaalka qeybta ay ku leeyihiin lagu qabto magaalada Beledweyne, balse qaarkood ay ka soo hor jeedaan in madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe uu tago magaaladaas, taas oo ku xiran doorashada.

“Waxay halkaan doorashadu ku imaan weyn kartaa in madaxweyne Cali Guudlaawe loo diido inuu yimaado magaaladan Beledweyne, hadii madaxweynuhu halkaan imaan waayo doorashadu ma imaan karto, horayna waan u sheegay, hadana waan ku celinaa, hadii magaaladan ay nabad geliyo noqon weyso doorasho laguma qaban karo,” ayuu yiri.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri, “Meeshaan waxay doorasho ku imaaneysaa in madaxweynaha HirShabeelle uu yimaado, kadibna uu Ra’iisul wasaaraha keeno, oo tuso goobaha ay doorashadu ka dhaceyso, taas ayaan ku tala jirnaa, ee naga qabta kuwa ku tala jira inay fashiliyaan qorshahaas.”

Yuusuf Dabageed ayaa intaas ku sii daray in dadka reer Hiiraan ee tabashada qaba ay ku dadaalayaan xalintooda oo xuquuqdooda ay u ogolyihiin.

Beesha uu ka soo jeedo madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed ee Xawaadle ayaa aad u diidan in magaalada Beledweyne uu tago madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, waxayna beeshaasi qaneeco la’aan ka muujisay hanaankii loo soo dhisay maamulka.

Maalin ka hor maleeshiyaad ka amar qaata Jeneraal Xuud oo ku beel ah Yuusuf Dabageed ayaa weerar ku qaaday magaalada Beledweyne, si ay u fashiliyaan shir golaha wasiirrada HirShabeelle ay ku yeesheen magaaladaas, kaas Yuusuf Dabageed uu shir guddoomiyey, waxaana xaafado ka tirsan Beledweyne ka dhacay dagaal xoog leh oo sababay khasaare nafeed.