DAAWO:-“Dadka dhahaya hala sameeyo golayaal, waa dad raba inay dadkan teendhadii Carta ku celiyaan” 

803

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo Baydhabo kaga qeyb galay sanad guuradii saddexaad ee madaxweynaha Koonfur galbeed, ayaa ka digay in la sameeyo golayaal uu sheegay in lagu duminayo dowladnimada ka jirta Soomaaliya.

Madaxweyne Deni, ayaa wuxuuu sheegay in dadka ka shaqeynaya in la dhiso golayaal ay doonayaan in dowladnimada Soomaaliya lagu celiyo teendhadii Carta.

“Dadka marmar dhahaya nidaamkan hala iska daayee hala sameeyo golayaal, waa dad raba inay dadkan teendhadii Carta ku celiyaan, waana qatar. Fikirkaas anigu waan ka digayaa,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Deni wuxuu sheegay inuu rajeynayo inay dalka ka dhacdo doorasho lagu qanacsan yahay, wuxuuna madaxda dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay dalka samatabixiyaan oo la qabto doorasho lagu kalsoon yahay.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan golaha midowga musharraxiinta ay shaaciyeen in ay qorshayaan in ay dhisaan gole loo dhan yahay, haddii aan wax laga qabanin boobka lagu hayo doorashada sida ay sheegeen.

Shir ay dhawaan ku qabanayaan magaalada Muqdisho ayay ku sheegeen in looga tashandoono arrintan, iyagoo sheegay in ay isugu yeerayaan dadka indheer garadka ah.