DAAWO:- Dagaal dad kudhitay oo kadhacay Geerigaabo

81

Inta la ogyahay 5 qof ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay degmada Goof ee gobolka Sanaag.

Maayarka degmada Goof, Muuse Cali oo waraysi siiyay Bulsho TV, ayaa sheegay in ciidamada SSC Khaatumo ay hal qof ku dileen deegaanka, kadibna dagaal qarxay ay ku dhinteen 4 qof oo kale.

“Saaka galinkii hore hal nin oo Geele Cige Dawan la yidhaa lagu dilay, oo weerarka ay SSC Khaatumo soo qaaday ay ku dishay, markii danbena ragii degmada ka gurmaday 4 nin ayaa halkaa ku geeriyooday, laba gaadhi oo Probox ahna way ku qabsadeen” ayuu yidhi Maayarku.

Maayarku waxa uu sheegay in weerarka ay ciidamada SSC Khaatumo ay soo qaadeen uu daba socday, weerar ay xalay koox hubaysani ku qaaday saldhig ku yaala Ceerigaabo, halkaasi oo mid kamid ah kooxdii weerarka soo qaaday lagu dilay.

Waxa uu sheegay in ciidamada SSC Khaatumo ee deegaanka soo weeraray ay kaxaysteen geel goobta daaqayay, kaasi oo badankiisa markii danbe dagaal lagaga soo celiyay, lakiin ay wali qaybi maqantahay.

Maayarku waxa uu sheegay in ay u badantahay in aanu dagaalku istaagin, waxaanu sheegay in ay jawaab ka bixin doonaan xili caawa waxa deegaanka laga soo sheegaya dhaq dhaqaaq ciidan.

Afhayeen u hadlay SSC Khaatumo, ayaa dilka ninka la sheegay in uu qayb ka ahaa kooxda saldhiga weerartay ku macneeyay, in ay ciidamada Somaliland si badheedha u dileen, isaga oo sheegay in ay isdifaaci doonaan, ciidankooduna ku filanyahay.

Xaalada magaalada Ceerigaabo ayaa dagan, iyada oo ay magaalada dhex wareegayaan ciidamada RRU-da, sidookale millatariga ayaa amaanka kor ka sugaya, wali xukuumada Somaliland kama hadal dhacdooyinkan.