DAAWO:-Dagaal hada ka socda Baraawe

1576

Wararka naga gaaray magaalada Baraawe ee caasimadda Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka socdo magaalada, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay maleeshiyaadka hubeysan oo kasoo horjeeda doorashada golaha deegaanka ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka bilaabeen hotelka ay ka socoto doorashada.

Sida ay sheegayaan ilo xogagaal ah oo deegaanka ah maleeshiyaadka ayaa sidoo kale ka careysan in wax xal ah laga gaarin Nin ka tirsanaa oo bil ka hor ku dhintay dagaal ka dhacay Baraawe.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in dagaalka xoogiisa uu ka socdo dhabarka dambe ee Hoyga guddoomiyaha degmada, Cumar Sheekh Cabdi Safaana.

Maleeshiyaadka ayaa ka biyo diidan in doorasho la qabto doorashada golaha deegaanka, ayada oo aan xal laga gaarin dilka Ninkaas iyo tabashadooda.

Waxaa gebi ahaanba xiran adeegyadii bulshada, gaar ahaan goobihii Ganacsiga, waxayna cabsi weyn soo food saartay bulshada ku nool magaalada Baraawe oo ay ka taagan tahay xiisadda.