DAAWO:- Dani oo DF iyo Maamul goboleedyada ku casuumay Garoowe

1756

Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay DF iyo maamul goboleedyada dalka iney ka soo qeyb galaan shir looga tashanayo xaalada siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.
Hadalka ayaa yimid ka dib markii galabta lagu soo gebageebeyey magaalada Garoowe shirkii wada tashiga Puntland, lagana soo saaray war-murtiyeed ka koobnaa 8 bog.

Mid ka mid ah War-murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa lagu sheegay in Puntland ay dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ku casuuntay shirweyne looga tashanayo xaaladda Siyaasadeed ee dalka, iyo khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka ku soo fool leh dowlada dhexe.

Dadka falanqeeya Siyaasada Somalia ayaa sheegaya in DF ay u badan tahay ineysan aqbali doonin ka qeyb-galka shirka iyo Puntland ay horkacdo hagida nidaamka siyaasada dalka.

Madaxda Dowladda federaalka ayaa horey marar badan ugu casuuntay Muqdisho Madaxweynaha Puntland Saciid Deni si looga wada hadlo meeshana loogana arrinsado khilaafka labada dhinac hase ahaatee Puntland wey ku gacan sertay.

Puntland ayaa sidoo shaacisay iney qaadacday sharciga doorashooyinka heer federaal oo ay ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu saxiixay.