DAAWO Deni oo kahadlay sababta uu udiiday inuu saxiixo xukunka dilka raggii dilay Caa’isha

1829

Madaxweynaaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa mar uu hadal ka jeedinayey magaalada Garowe waxaa la weydiiyey sababta uu u saxiixi la’ayahay fulinta xukunkii dilka ahaa ee lagu riday seddaxdii nin ee lagu helay kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan.

Madaxweyne ayaa ku jawaabay in xukunkaas uusan hada wax door ah ku laheyn, isla markaana go’anka ah xilliga ay ciqaabta dilkii Caa’isha marayaan raggaas ay u taallo maxkamadda sare ee maamulka.

“Runtii kiiska Caa’isha oo kale ma jirto Soomaaliya meel uu ka dhacay, waadna ogtihiin seddaxda maxkamadood ee derejada koowaad, racfaanka iyo maxkamadda sare ayaa qaaday kiiska Caa’isha, dhamaantoodna waxay isku raaceen hal xukun oo dil ah, taasi waxay muujinaysaa in xukunkoodu uu si caddaalad ah u dhacay” ayuu yiri Madaxweyne Dani.

Dani ayaa sidoo kale sheegay in fulinta xukunnada ay ridaan maxkamadaha Puntland, aysan wax door ah ku laheyn xukuumaddu, hadii caqabadi timaadana go’aanka kama dambaysta ah ay ka gaarto Maxkamadda sare ee Puntland.

“Waxaan dad weynaha u sheegayaa in go’aanada ay gaareen maxkamadaha Puntland uusan shaqo ku laheyn Madaxweynuhu, dadbaa dhaha xeerka fulintiisa madaxweynaha saxiixa taasina sax ma aha, balse hadii khalad ka yimaado cadaaladda waan saxayaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweyne Dani.

Caa’isha Ilyaas Aadan oo aheyd gabar 12-sano jir ah ayaa horaantii sanadkii tegay ee 2019 dil iyo kufsi loogu geystay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana falkaas loo qabtay seddax nin oo maxkamadaha Puntland ay ku wada xukumeen dil toogasho ah, welina Garsoorka Puntland ma shaacin goorta ay dhici doonto fulinta xukunka kiiskii marxuum Caa’isha Ilyaas.