DAAWO:-Deni oo loogu baaqay inuu ka haro Axmed Madoobe

1736

Dhowaan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa shir ku qabtay nin hubaysan oo ka hadlay xaaladda Puntland iyo guud ahaan arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya ay xilligaan ku sugan tahay.

Maalinimadii shalay ayuu markale warbaahinta gudaha la hadlay isagoona aad uga hadlay xaaladda doorashada Soomaaliya iyo arrimo Puntland quseeya, isagoo si adag uga hadlay sababaha ay Puntland ugu lug xiratay madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Madoobe oo uu eedaymo waaweyn u jeediyey ayuu sheegay inuusan muddayn in Puntland intaas waqti geliso wuxuuna ugu baaqay madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni inuu ka faraha ka qaado Axmed Madoobe iyo arrimihiisa.