DAAWO DENI oo shir deg deg ah isugu yeeray DF & M/goboleedyada

1771

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulalahi Deni ayaa sheegay in xalka siyaasadeed ee dalka ee xilligaan uu u arko in Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada ay isugu yimaadaan madal ay ku wada hadalayaan.

Waxaa uu sheegay Deni in mar walba xalka uu yahay wada-hadal,isla markaana dowlad goboleedka Puntland ay diyaar u tahay inay u dhigto Gogol ay ku wada hadlaan.

“Puntland waxaa ay markasta cadeyneysaa in wada-hadalka ay wax kasoo baxaan laakin aysan noqon fursad sawiro lagu wado galo balse ay noqdaan kuwo looga hadlo arrimo dhowr ah ayuu yiri”Madaxweyne Deni.

Waxa uu Madaxweynaah Puntland hadalkiisa intaasi ku darey in Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada ay ka tashadaan arrimaha amniga,Dastuurka,qeybsiga kheyraadka iyo deeqaha Caalamiga ah.

Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Puntland waxaa uu ka sheegay munaasabad loogu dabaal degayay sanad-guuradii 1aad oo ku beegneyd markii loo doortay Madaxweynaha Puntland.