DAAWO:- Deni oo si adag uga hadlay khilaafka DF kala dhexeeya

1864

Madaxwaynaha Maamulka Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan Madaxwayne ku Xigeenka, Gudoomiyaha Golaha Wakiillada iyo masuuliyiin ka socday DF Soomaaliya iyo Marti sharaf kale ayaa ka Qayb galay Shirwaynaha Wadatashiga Puntland oo maanta ka furmay Magaaladda Garoowe.

Madaxwayne Deni ayaa Shirkan ka jeediyey Khudbad dhinacyo badan Taabanaysa ayaa ka hadlay Xaaladihii kala duwanaa ee Puntland ay soo martay, Wuxuuna xusay in 22-Sanno kadib ayuu sheegay in Puntland ay gaadhay Horumar, Sida Dhismaha cIidamada, Hanaan Dawladnimo, Kaabayaal dhaqaalle iyo Horumarinta Adeegyadda Bulshada.

Wuxuu sheegay Inay Caqabado Siyaasadeed, Kuwa Amni oo ka yimid Cadow kala duwan oo ka samin Waxyeelaynta Puntland.

“Waxaa Muhiin nala Noqotay oo Shirkan aanu ugu baaqnay inay isku Waydiino oo ka Jawaabno, Maxaa inooga Qabsoomay Wixii Puntland loo dhisay, Maxaa Qabyo inooga ah, Maxay Yihiin Caqabadaha ka Jira Gudaha Puntland ee u baahan in wax laga Qabto, Maxaa ka Qabsoomay u jeedooyinkii in la Helo Dawlad Soomaaliyeed ee Federaal ah” ? Ayuu yidhi Siciid DENI.

Dhinaca Kale Wuxuu Khudbadiisa uga hadlay Horumarka kala duwan ee Puntland ay ku Taalabsatay Mudooyinkii ay Jirtay dhinaca Ganacsiga, Waxbarashada, Caafimaad iyo Maalgashiga .

Wuxuu ka hadlay Kaalinta Puntland ay ka Qaadatay dib u dhiska Dawladnimo Soomaaliyeed, Wuxuuna sheegay inay Puntland Hormuud u ahayd dhismaha DFS ee maanta dhisan. “Wanaaga Iyo Sharafta Puntland waxay ku Jirtaa wanaaga Soomaali Idilkeed Shacab iyo Dawladba” Ayuu yidhi

Isagoo ka hadlayey Khilaafka dawladda Federaalka ayuu sheegay inay Hareer mareen Waxyaabihii lagu dhisay, oo ay doonayaan inay Awooda Maroorsadaan, Islamarkaana ay Cabudhin ku hayaan Maamulada dalka, Iyadoo aan Inaan Mudnaan lasiin Dhamaystirka Dastuurka, Dhismaha Ciidanka , La dagaalanka Alshabaab, iyo Qabsoomida Doorashada, Balse wuxuu sheegay inay sameeyeen Sharciyo danno gaar ah laga leeyahay, Islamarkaana Deeqihii Caalamka aan si Hufan loogu qaybin dadka Soomaaliyeed, oo Arimo Siyaasadeed loo isticmaalay.