Daawo: DF oo keensatay qalabkii doorashada qof iyo cod

50

Dhawaan guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa shaaca ka qaaday in illaa 5 urur ay is diiwaan-geliyeen, kuwaas oo uu tilmaamay inay noqon doonaan saamileyda siyaasadda ee saxda ah, isla markaana uu loolanka u dhexeyn doono iyaga iyo xukuumadda, shacabkuna ay u dhexeyn doonaan, taas oo caqabad ku ah siyaasiyiinta mucaaradka ah.

“Saamileyda siyaasada saxda ah waa shanta urur ee noo diiwaan gashan wixii kasoo hara waxba ma ahan isbuuca soo socdana waxaa bilaabaneysa diiwaan galinta dad weynaha waxaa xigi doona doorashada golaha deegaanka” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Waxaa kale oo uu raciyay “Maanta siyaasadda Soomaaliya waxa ay ka dhexeysaa shantaan urur iyo xukuumadda dalka joogta iyo Ummadda Soomaaliyeed ayuu banuuniga u dhexeeya”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli ay doorashada isku hayaan madaxda dowladda, kuwa mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada oo iyagu weli diidan dhismaha guddiga doorashada iyo hanaanka ay wax ku wado dowladda dhexe.