DAAWO:-“DFS oo Ku Dhawaaqday Hab Cusub Oo Ay Kula Dagaalameyso Alshabaab”

329

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inay sameeysay hab gaar ah oo shacabka Soomaaliyeed ugu soo gudbin karaan dadka aruuriya lacagta ay dagaalamayaasha Al-shabaab ka qaadaan Ganacsatada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-cadaala oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu marka hore sheegay in xilligaan uu dalka ku jiro marxalad dagaal, loona baahan yahay inay iskaashadaan dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Al-cadaala ayaa waxaa uu sheegay in dowladda ay sameysay lambarro gaar ah oo ay gacanta ku hayaan shaqaale la tabababaray, isla markaana dadka looga baahan yahay inay kusoo gudbiyaan dadka lacagta u uruuriya Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka ayaa Ganacsatada xasuusiyay in ay ka feejignaadaan in hantidooda loo adeegsado hub lagu soo iibiyo lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed, waa sida uu yiri Wasiirka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey Ganacsatada Soomaaliyeed uga digtay inay lacago siiyaan, iyadoo sheegtay inay tallaabo ka qaadeyso cid kasta oo dhaqaale ku taageerta Al-shabaab.