DAAWO:-“Doorashada madaxtooyadu waa in wakhtigeeda kudhacdaa

736

Afhayeenka Xisbiga Waddani Xil. Barkhad Jaamac Batuun ayaa sheegay in khilaafka doorashadu uu yahay mid sharci, isla markaana laysku haysto doorashada madaxtooyadu wakhtigeedii haku dhacdo iyo ku dhici mayso.

“Dunida iyo daneeyayaasha dalkeena waxa aynu ka iibinaa waa doorasho, hantida dowladnimadeenu ay haysataa ee dunidu inagu soo eegaysa waa doorasho, mushkilada dalka ka taagani mushkilad siyaasi ah maahe waa mushkilad sharci, tiirka ay ku taagantahay waxa weeyaan doorashadii madaxtooyadu wakhtigeeda haku dhacdo iyo kuma dhacayso” ayuu yidhi Batuun.

Batuun ayaa faray cidkasta oo doonaysa in ay gacan ka gaysato xalinta khilaafka doorashada, in ay fahanto cagaha ay doodu ku taagantahay oo ah dood sharci, waxa uu sheegay in aan siyaasad laysku haysan ee sharci laysku haysto.

“Waxan farayaa dadka doonaya in ay arrintan taagan wax ka yidhaahdaan, in ay fahmaan waxa ay salka ku hayso dooda taagani, ma sharci ayaa laysku hayaa mise siyaasad, aragti sharci ayaa laysku hayaa” ayuu yidhi Batuun.

Waxa uu sheegay in doorashada urrurada siyaasadu ay ku dhisantahay xeer, xeerkaasi oo xiligii la doono uu golaha baarlamaanku wax ka badali karo, lakiin taa kasoo horjeed keeda ay doorashada madaxtooyadu ku taagantahay dastuurka, oo afti dadwayne mooyaane anay jirin cid kale oo wakhtigeeda badali kartaa.