DAAWO:-Dowlad deegaanka Soomaalida oo dib ulasoo noqoday dhul ay xukuumadii hore kuwareejisay canfarta

1763

Golaha wasiirada dowlada deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa yeeshay kulan looga Arinsaday xaalada deegaanada xuduuda Canfarta ku yaala oo ay in muda ahba dhibaatooyin iyo culaysyo dhanka nabad galyada ah ka taagnaayeen taas oo ay sal u ahaayeen go’aano sharci daro ah e oo si khaldan loogu darey tuulooyinka Candhufo, Cadhaytu iyo Garba-Ciise deegaanka Canfarta laguna wareejiyey.

Kulankan ayaa waxa goluhu ka doodeen 8 qodob oo qiimayn qoto dheer iyo falanqayn baladhan oo ay ku sameeyeen wasiiradu ka dibna isla go’aamiyeen 8daas qodob ay ku salaysan yihiin masiirka umada Soomaaliyeed ee dhibaatada balaadhan loo gaystay ee ku degan xuduudka canfarta.

Golaha ayaa kulankan waxa uu hoosta kaga xariiqay sidii si dhakhso ah dowlada deegaanka soomaalidu taakulayn iyo caawimaad kala duwan ee ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed ee xududa deegaanka Canfarta ku dhaqan loo gaadhsiin laha.

In badan ayey dadka deegaankaas ku dhaqan ka dalbanayeen xukuumadooda in ay kaalmooyin kala duwan la soo gaadho waxaana hada muuqata in ay xukuumadu ku baraarugtey dhibka jira inta uu le’eg yahay.

 

War saxaafadeed ay soo saartay xukuumada deegaanka soomalida ayay ku sheegtay in dib ay ulasoo noqotay dhul ay xukuumadii hore kuwareejisay deegaanka canfarta sadexda degmado oo in dhawaale ay kasocdeen mudaharad dhimasho badan dhaliyay ayay xukuumadu ugu baaqday in dhulkaas maamulka canfartu iskaga guuraan uuna yahay dhul soomaaliyeed go aan kaan geesinimada leh ayaa xukuumada u horseedi kara inay ku kasbato taageerada shacab badan.