DAAWO:-Dowlad Goboleedyada oo kaqayb galaya Shirka London

1635

Maanta ayaa la filayaa in Magalada London ee dalka Ingiriiska lagu qabto Shir ay Wasaaradda Batroolka Soomaaliya sheegtay in lagu soo bandhigayo sahminta lagu sameeyay Shidaalka Soomaaliya,hayeeshee shirkaasi uu muran badan dhaliyay.

Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah Xisbiyada dalka ka jira ayaa kasoo horjeestay shirkaas,halka kuwo kale ay taageereen,waxaana shirkaasi ka qeybgalaya Madax ka socota Dowladda Federaalka,Dowlad Goboleedyada iyo Shirkado Shisheeye.

Xubno matalayay Dowlad Goboleedyada,Koonfur Galbeed,Hir-Shabeelle,Galmudug,Puntland iyo Jubbaland ayaa u ambabaxay Magalada London si ay shirkasi uga qeyb galaan.

Xubnahaas oo ka hor safarkooda la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in shirkaasi laga fidiyay warar been abuur ah,isla markana uusan aheyn mid lagu xaraashayo xirmooyin ka mid ah Shidaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in iyagu ay metelaan Dowlad Goboleedyada,isla markaana hadii waxyaabha shirkaasi laga sheegayo ay noqdaan kuwo sax ah ay iyagu yihiin kuwo dadkooda qiyaanayn.