DAAWO:-Dowlada oo ku dhawaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Axmed Madoobe

71

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Raaskambooni ee lagu jabiyay ciidamada ay dowladda gaysay halkaasi.

Ugu horreyn golaha ayaa cambaareeyay weerarka ay qaadeen ciidamada Jubbaland ee ugu dambeyn la wareegay magaalada oo dhan.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale ku dhowaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Axmed Madoobe, waxayna ku eedeeyeen inuu xiriir kala dhexeeyo kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale golaha ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya baaris ay sheegeen in lagu sameeya nooca xariir ee ka dhexeeya Axmed Madoobe iyo Khawaarijta.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa guddi u saaray inuu baaris ku sameeyo nooca xiriir ee ka dhexeeya eedaysane Axmed Madoobe iyo kooxaha Khawaarijta ah, falkii uu ku weeraray deegaanka Raaskambooni oo ay ka dhalan doonto isla-xisaabtan iyo ciqaab” ayaa lagu yiri go’aanka golaha wasiirada.

Sidoo kale waxaa warbaahinta la hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo faah-faahiyay kulankooda iyo go’aanka kasoo baxay, wuxuuna sheegay in ciidamada weeraray Raaskambooni ay soo dhex-mareen kooxda Al-Shabaab.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in arrinta ay sii xoojineyso tuhun markii hore laga qabay Axmed Madoobe oo ku aadan inuu xiriir iyo wada shaqeyn la leeyahay Al-Shabaab.

Dhul badan oo Khawaarijta ay joogto ayay soo dhex mareen ciidamadii goobtaas weeraray arrintaas oo khatarteeda leh, waxayna xoojineysaa shakiga horay looga qabay eedeysane Axmed Madoobe iyo Khawaarijta uu xiriir ka dhexeeyo” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala.