DAAWO:- Dr. Xasan Sheekh “Maslaxada Mareykanka mar walba waxay ku jirtaa garabka qaldan”

2082

Dr. Xasan Sheekh Cali Iimaam oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed, waxna ka dhiga qaar ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho ayaa ka sheekeeyay taariikhda Siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya 72-kii sano ee la soo dhaafay, isagoo xusay in mar walba Mareykanka uu danaha uu ka leeyahay Soomaaliya uu ka shaqeyn jiray.

Dr. Xasan Sheekh Cali oo la hadlayay telefishinka Somali Cable ayaa sheegay in mar walba Mareykanka ay taageeri jireen dhanka qaldan, oo aanay waligood danta iyo Maslaxada Dadka Soomaaliyeed ka shaqeyn.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay sanadkii 1948 oo markii u horeysay oo Mareykanka Soomaaliya yimid, xilligaasoo uu dhamaaday dagaalkii labaad ee Adduunka, isla markaana Mareykanka taageerayay in Soomaaliya lagu celiyo gacantii Talyaaniga

“72 Sanadood hal mar Mareykanka kama shaqeyn danta iyo maslaxada dadka Soomaaliyeed, intaas ay nala joogtay waxay ka shaqeyn jirtay dan ay ka leedahay Soomaaliya inay ka hirgasho, mar walba Mareykanka wuxuu taageeri jiray dhanka qaldan”ayuu yiri Dr. xasan Sheekh Cali.

Mar uu ka hadlayay sababta Mareykanka u taageertay doorashadii muranka badan dhaliyay ee ka dhacday Dhuusamareeb ayuu ku tilmaamay inay ku taageertay dano ay leedahay sida uu yiri.

Halkan hoose ka daawo: